N’Golo Kante Oo Daaha Ka Qaaday Shaqsigii Ku Qanciyey Inuu Kusoo Biiro Kooxda Chelsea

3464872_heroa

Saxiixa cusub ee Chelsea N’Golo Kante ayaa daaha ka qaaday inuu doortay ku biirista kooxda ka dhisan Stamford Bridge ka dib markii uu go’aankaas ku qanciyey tababare Antonio Conte.

Xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa Sabtidii dhammeystiray heshiis 30 milyan oo ginni oo uu uga soo tegay Leicester City isla markaana uu ku noqday saxiixii labaad ee uu xagaagaan sameeyo Conte tan iyo markii uu yimid kooxda ka dhisan Galbeedka London.

Xiddigii hore ee qadka dhexe ee kooxda Caen ayaa u mahadceliyey Leicester iyo taageereyaasheeda fursaddii ay u siiyeen inuu ka ciyaaro horyaalka England Premier League ka hor inta uusan ammaanin qorshaha tababare Conte uu isugu deyayo inuu dib usoo celiyo awooddii Chelsea.

“Xilli ciyaareedkaan waxaan horyaalka Premier League la qaaday FC Leicester,”ayuu ku qoray bayaan uu soo dhigay bartiisa Twitter. “Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo hogaamiyeyaasha, asxaabteydii aan isku kooxda aheyn iyo tababare Claudio Ranieri ka dib xilli ciyaareedkaan fantastik ah ee aan ku guuleysanay horyaalka England.

“Kalsoonidoodii iyo sidoo kale kalsoonidii taageereyaasha ayaa abid ku jiri doona xusuusteyda. Waxaana markale doonayaa inaan u mahadceliyo dhammaantood. Bilowga xilli ciyaareedka 2016 illaa 2017 waxaan doortay inaan ku biiro Chelsea FC. Waa koox xoogan oo keensatay tababare weyn isla markaana dooneysa inay gaarto heer sarre anna waan la wadaagayaa.

“Mashruuca kooxdaan iyo hadalkii tababare Conte ayaa igu qanciyey inaan ku biiro kooxdaan cutub cusub ayeyna nolosheyda iyo xirfaddeyda kubadda cagta u tahay.”

Fikradaha Akhristayaasha (0)