200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 Tobanka Xiddig Ee Ugu Mushaarka Badan Kubadda Cagta Oo Lasoo Saaray Xilli Uu Isbedel Weyn Ku Dhacay Liiskaan | UfeynNews.com

Tobanka Xiddig Ee Ugu Mushaarka Badan Kubadda Cagta Oo Lasoo Saaray Xilli Uu Isbedel Weyn Ku Dhacay Liiskaan

Graziano Pelle ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyey ee magac weyn ku leh kubadda cagta kaasoo ka tagay horyaalka England Premier League isla markaana u wareegay horyaalka China, durba waxaad isweydiisay waa maxay sababta uu u aadayo horyaal aan si aad ah loo xiiseyn.

Gooldhaliyaha heerka caalami ee dalka Italy ayaa ka tegay Southampton isla markaana ku biiray kooxda Shandong Luneng ee horyaalka Chinese Super League taasoo kula wareegtay adduun lacageed dhan 12 milyan oo ginni.

Ku biiritaanka Pelle ee kooxda kooxda Shandong Luneng ayaa waxaa sabab looga dhigay inay kooxda Shiinaha ka dhisan kusoo jiidatay mushaar aan cidna diidi karin. Xiddiga qaranka Azzurri oo laba gool ka dhaliyey Euro 2016, ayaana adduun lacageed dhan 16 milyan oo euros sannadkii ka qaadan doona kooxdiisa cusub, taasoo ka dhigtay inuu boos ka helo 10ka ciyaaryahan ee ugu mushaarka badan adduunka.

Joornaaliistaha reer Italy Tancredi Palmeri ayaana bartiisa Twitter kusoo daabacay isbedelka ku dhacay liiska 10ka ciyaaryahan ee ugu mushaarka badan ka dib markii uu kusoo biiray Pelle. Halkaan hoose ayaadna ka akhrisan kartaa liiskaan.

  1. Cristiano Ronaldo (Real Madrid) – €21 Milyan Oo Euros Ayuu Qaataa Sannadkii

2= Hulk (Shanghai SIPG) – €20 Milyan Oo Euros Ayuu Qaataa Sannadkii

2= Lionel Messi (Barcelona) – €20 Milyan Oo Euros Ayuu Qaataa Sannadkii

  1. Neymar (Barcelona) – €19 Milyan Oo Euros Ayuu Qaataa Sannadkii

5= Graziano Pelle (Shandong Luneng) – €16 Milyan Oo Euros Ayuu Qaataa Sannadkii

5= Zlatan Ibrahimovic (Manchester United) – €16 Milyan Oo Euros Ayuu Qaataa Sannadkii

  1. Thomas Muller (Bayern Munich) – €13.5 Milyan Oo Euros Ayuu Qaataa Sannadkii
  2. Ezequiel Lavezzi (Hebei China Fortune) – €13 Milyan Oo Euros Ayuu Qaataa Sannadkii
  3. Jackson Martinez (Guangzhou Evergrande) – €12.5 Milyan Oo Euros Ayuu Qaataa Sannadkii
  4. Thiago Silva (Paris Saint-Germain) – €12 Milyan Oo Euros Ayuu Qaataa Sannadkii

Fikradaha Akhristayaasha (0)