200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 FALANQEYN: Maxay ka bedeli kartaa Ammaanka Puntland in Ciidamo AMISOM ka socda la geeyo Iyo in kale. | UfeynNews.com

FALANQEYN: Maxay ka bedeli kartaa Ammaanka Puntland in Ciidamo AMISOM ka socda la geeyo Iyo in kale.

Ergayga gaarga ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa u sheegay maalmo ka hor  in Ciidamo ka socda hawlgalka Midowga afrika ee AMISOM la geeyo deegaanada Puntland.

Nicholas Kay ayaa hadalkaan u cuskanayey sheegistiisa weeraro dhowr ah oo Kooxda Al-Shabaab sheegteen oo ka dhacay magaalooyinka Boosaaso,Garoowe oo lagu qarax ismiidaamin ah lagu dilay Shaqaale UNICEF ah iyo Buurlayda Galgala.

Ciidamada AMISOM ayaa garab istaagooda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ka sakow ,waxay shaqadooda kale ay tahay ilaalinta shaqaalaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya gudaha dalka.

Markaan dib u yara milicsano taariikhda hawlgalkan Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ogolaaday in Ciidamadan la geeyo Soomaaliya ,waxayna xiligaas Xooga Ciidamadan ka imaanayeen lixda dalka Uganda,Burundi,Jabuuti,Kenya,Itoobiya Siraliyoon.

640x427xIMG_00691.jpg.pagespeed.ic.pw0gRjQ-tN

Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka ayaa lagu qiyaasa iney kor u dhaafeyso Labaatan kun balse waxaa kaloo jira dalal aan Ciidanka kuwa aan Milateriga ahayn usoo diray Soomaaliya sida Zambia,Senegal,Nigeria,Niger,ghana iyo gambia.

Puntland Maxay ka walwal qabtaa?

Dawladda Puntland iyo Shacabkeeda waxay mowqif adag iska taageen in Ciidamo ka socda AMISOM la keeno deegaanada Puntland ,waxaana khuburada Siyaasada ku sheegeen walwalkaas laba arrimood sida:

01. Ciidamada AMISOM meesha ay tagaan ama la geeyo ay isku bahaysan doonaan wax alaale wixii xagjir ah kuwaas oo dhanka al-Shabaab kusoo biira lana dagaalama Ciidamada iyagoo loogu sheekeynayo gaalo soo duushay.

02. Siyaasada kuyara jirta Ciidamada shisheeye,waxaa loogu talagalay iney fidiyaan meelaha ay dawladu ka taliso marka waxa ay ka baqayaan dad badan oo Siyaasiyiin ah oo reer Puntland ah iyo dad badan oo shacab ah in dawlada dhexe meesha ku xoogeysato iyadoon heshiis gaar ah la gelin.

Dhinaca kale Cabdiqafaar Cabdi Wardheere oo Xiriirka Caalamiga ah ku takhasusay ayaa isagu qaba in Puntland aysan hadda Ciidan AMISOM ah u baahneyn garna ay u leedahay in keenista Ciidankaas iska diido.

Wuxuu sheegay in Puntland u baahantahay in Ciidamadeeda la xoojiyo loona sameeyo tababar iyo qalabeyn xoogan isla mar ahaantaana la dhiirigeliyo mooralka Ciidamada mudada aan mushaharka qaadan.

Ciidamada ilaalada u ah shaqaalaha Caalamiga ah siiba kuwa Qaramada Midoobey ayaa ah kuwa hoos taga Xafiiska Siyaasada QM ee Soomaaliya tan kalena Xafiisku waa maareeyaha ugu weyn ee dhaqaalaha maamulada kala
duwan ee Soomaaliya la siiyo.

Maxay kula tahay akhriste haddii Dawladda Puntland sheegtay iney awood u leedahay difaaca Xuduudaheeda iyo amniga gudaha isla markaana loo baahneyn in Ciidamo ka socda AMISOM la geeyo Puntland….?

Fikradaha Akhristayaasha (0)