200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 fallo Puntland shalay iyo maanta isu eegaa | UfeynNews.com

fallo Puntland shalay iyo maanta isu eegaa

Puntland shalay iyo maanta isu eegaa Waxay ahayd sanadadii 2005 ilaa 2008 markii ay puntland amnigeedu faraha kabaxay waxay kaloo ahayd xili ay puntland dhaqaalo xumo soo foodsaartay taas oo sababtay mushahar la’aan sanado ah ee ciidamada iyo dhamaan shaqaalaha dowlada iyadoo weliba canshuurta la qaado meel ay martana la garanwaayey Waxay ahayd xili dalka la keenay makiinada samaysa lacagta taas oo sababtay sicir barar xoog leh iyo maciishadii oo sara u kacday taas oo $1 ka dhigtay 40 sh.so ah Waxay ahayd xili ay ciidamadu kala tageen loona kala qeybiyey qaab qabiil Waxay ahayd xili dalka ay yimaadeen shirkado maafiyo oo ah oo sheeganayaa in macdan iyo shidaal baarayaan aysana jirin cid la xisaabtanta waxa ay baarayaan ama faa’ido ay dalka uga tagaynba Waxay ahayd xiliga qeyb kamid ah dhulkii puntland oo faraxa kabaxay gacantana u galay maamulo kale Waxay ahayd xili oo lumay haykal dawladeed iyo magacii ay puntland ku lahaydba caalamka Waxay ahayd xili ay siyaaday boobka khayraadka badda taas Oo ah ay in badeeni ay xaalufiyeen dowladu shisheeye iyadoo ay dowladuna shilimaad yar ku badalanaysay Waxay ay ahayd xili ay siyaaday cadaalad darada, eexda,qabyaalada,iyo musuqmasuqaba Manta intii oo kale ayaa taagan iyo waxyaabo siyaado ku ah sida xafladayn,guulwadayn iyo dhalinyaro qurbaha kasoo yaacday iyo aan wax wara iyo wacaal ah ka hayn dalkii maamulkiisa la wareegtay Hadaba maxaa khaldan xagee bay salaadu iska qabsan la’adahay ma ragii shalay baa daaha gadaashiisa fadhiyabaa mise kuwo maaweeladii shalay shaashadaha ka daawanayeybaa oo run u haystaybaa BAL ADBA Si kastaba ha ahaatee puntland waxay leedahay haldoor oo ay ku jiraan waxgaradka,siyaasiyiinta,aqoohaanka iyo haweenkaba oo markasta dhexda u xirta in ay puntland wanaageeda ka shaqeeyaan mantana iyagaa looga fadhiyaa in ay puntland badbaadiyaan,mustaqbal quruxbadan jiilka soo koraya u sameeyan Waxaa sidoo kale shaqadooda gabay barlamaanka puntland oo la rabay in ay la xisaabtamaan xukuumada Ugu danbeyn shacabka maahan kuwa rajo waana kuwo ka dharsugayaa haldoorkooda iyo barlamanka aan isticmaalayn awoodihii oo lahaa keliya noqday mid ansixiya miisaaniayada iyo kordhinta canshuurta

Eng maxamed mahad wacays

Fikradaha Akhristayaasha (0)