200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 Tahriibka oo Weli loo sii Hanqal Taagayo. | UfeynNews.com

Tahriibka oo Weli loo sii Hanqal Taagayo.

Tahriib

Tahriib markaad maqasho waxaa markiiba hortaada imanaya dad dhalinyaro u badan oo Gabdho iyo wiilalba leh oo ay xitaa ku jiran Hooyooyin iyo Caruur oo dhamaantood  ku dhibaataysan Saxaraha ama Ninka Magefe  la yiraahdo uu haysto oo uu Lacag madax fursho  ka doonayo ama liibiya Gudaheeda  dad siyaabo kala duwan ugu haystaan amaba Badda dhexdeeda ku maashaysan, wax badan ayaa laga hadalay dhibaatada uu leeyahay, iyadoo sidaasi jirto ayaa maalin dhowayd waxaan soo maray Gabdho Soomaaliyeed oo iila muuqdey iney wax xoogaa mehrado Ganacsi ku haystaan Magaalada laakiin markaas la joogey Gabar Ganacsi ku haysatay Wadada Maka Al-Mukarama, waxaa laga hadlayey Tahriib, markaasaan la soo boodey dad waxaa ugu liita Qofka hada tahriibaya, Gabadhii I soo xigtay ayaa intay qososhay tiri.

 “Aniga iyo labadayda Gabdhood oo Qaangaar ah waxaan diyaar u nahay inaan Tahriibno oo aan weliba marno Suudaan, liibiya kadibna Badda inagoo Ilaahay talo saaranayna” waxaan weydiiyey sababta  ku Xanbaaraysa Xiligaan iney wada Tahriibaan iyada iyo Caruurteeda, waxaa ayna  tiri. “Aniga ha ila yaabin ee orod soo fiiri Xarunta Denbi baarista ee CID-da iyo Waaxda Socdaalka sida ay dadku u dhooban yihiin iyaga weydii sababta ay Baasaboorada u doonayaan, waxay u dulqaadan waayeen Nolosha Magaalada iyo Guud ahaan Soomaaliya”. Waxaan u sheegay Gabadhaaas in aan Xiligaan Yurub waxba lagu hayn, intay I soo qooraansatay ayey tiri. “Aaway ina Hebel iyo ina Hebel halkaan ayey ka baxeen midna waxa uu joogaa Biljam midna Finland mid walba waxa uu Bishii soo diraa 200 oo doolar waxayna maqan yihiin wax ka yar Lix bilood, marka xageed igu celinaysaa oo an joogaa? ma halkan! tan waa ka calool goostay” Gabadhaasi oo Qiyaastii 40 jir ah waxaan u sheegay in dadka Tahriibaya hadiii ay Badda ku Qaraqmaan in aan qiil sidaa u wayn loo hayn  oo yacni aanay Aakhiro waxba u jirin, waxay tiri. “Taas waan ogahay oo waan maqlay laakiin Ilaahay ayaan Talo saaranaynaa”.

Intii ay sheekadaasi na dhex maraysey aniga iyo Gabadha goosatay iney iyada iyo Caruurteedu ka tahriibaan Magaalada Muqdisho waxaa na maqlaysey Gabadha kale oo aan u haystay in ay meel kale mashquul ku ahayd, Aniga oo taageero ka raadinaya ayaan waydiiyey bal iney ka hadasho Fikirka Saaxiibteed, iyadoon is dhibin ayey tiri “Gabadhani waxay ka hadlaysaa iney Tahriibayso laakiin aniga waa iga soo dhamaatay mar horaan diyaar garioobey, miiska waxa ii saran waa wada Xaraash, waxaan diyaar u ahay in aan dhaqaajiyo, waxaan duhurkii tagaa Meelalaha lagu Jimicsado si uu jirkaygu u adkaado, Guriga aan deganahay  mar-marka qaar waxaan ka soo boodaa Derbiga si hadhoow markaan Itaaliya tago aan faro la iiga qaadin oo aan Derbiga uga boodo, waxaan sheeko ku hayaa hadaad Cararto ama derbiga ka boodo in aan dan lagaa lahayn oo aan lagugu mashquulayn. Waxaan waydiiyey Dhibbaatada haysata  anigoo dhinac kale ka tusay Qoysas badan oo hada Yurub ka soo labanaya una soo hiloobey Dalkoodii Hooyo, waxay tiri “kuwaasi waxay haystaan meel ay ku laabtan markay sheekada u bogi waayaan laakiin aniga yaa ii maqan oo aan Ilaahay ahayn, Gabadhaasi oo sii hadlaysa yaa aniga laftigayga igu Qalqaalisay inaan tahriibo, waxaan u sheegay in aan derbiga cadaynayo yaci aanan tahriibayn hadaanan waalayn, waxaana ay igu tiri intey farta igu soo fiiqday “Waxaan wada hadlaynaa Iidlow markaaad Magaalada ku soo wada hatraan adiga iyo Geeljire”.

Gabar kale oo u muuqatay iney ka da’waynayd labadii hore ayaa Sheekada ku soo biirtay, waxaanay tiri markaan waydiiyey fikirkeeda “Labadaan Gabdhood wxaan uga duwanahy in aanan anigu Tahriibayn laakiin waxaan doonayaa inaan diro Gabadhayda, waxay dhamaysay Jaamacad wax Camal ahna ma hayso, hadaan siday rabto u yeeli waayana waxaan ka baqayaa iney waalato, marka intay waalan lahayd debedda ayaan u dirayaa, waxaan waydiiyey Wadada u qorshaysan iney qaado Gabadheedu? Waxay tiri “Anigu ma doonayo inaan Gabadhayda Badda, Magefe iyo Saxaraha ku halaajiyo, waxaan doonayaa inaan marka hore geeyo Turkiga, marka xigtana Giriiga ugu danbayna Wadan kale oo Yurub ah. Waxaan u sheegay  marka Giriiga la aadayo in doon la raacayo la mid ah tan laga raaco Liibiya, intay faraha laalaabtay ayey tiri oo taas mala hubaa, waxaan niri haa waa hubaal, waxay tiri “Go’aanka ah inaan Gabadhayda diro waan gaarey kamana laaban karo haday Turkiga tagto  meeshay doonto ha marto, ilaahay ha nabad yeelo, waxay qabtaa ducadayda”. Waxaan Islaantaasi ku iri “Gabadhaadu wax bay baratay la mid ma ahan Gabdhaha  kale ee asaageed ah 2016-ka Doorasho ayaa la filayaa waxaa suurta gal ah in wax badani is bedelaan ee maad Gabadha u yare kaadisid?

 Waxay tiri “Doorasho aa! Ha I mqashiin taas, markaad aragto sida dalkaan looga baxayo  oo ay dhalinyardu u qulqulayaan Waxaan la yaabanahay cidda uu Xasan Shiikh Xukumi doono 2016-ka”.

Fikradaha Akhristayaasha (0)