200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 XOG,Juffooyinka Beelaha oo ku muransan qeybsiga ergooyinka dooranaya Xildhibaanada | UfeynNews.com

XOG,Juffooyinka Beelaha oo ku muransan qeybsiga ergooyinka dooranaya Xildhibaanada

Bildresultat för SANDUUQA DOORASHADA 2016

Xildhibaannadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa intooda badan damaacinaya inay dib ugu soo laabtaan kursiga, qaarkood waxaa laga taageeray qarashka iyo ololaha si ay ugu codeeyaan maalgeliyaha qarsoon, qaar kale waxa ay saaxiib dhow la noqdeen Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada iyo odayaasha dhaqanka ee xulaya ergo beeleedyada.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay xaqiijinayaan in beellaha Soomaaliyeed dhexdooda uu ka taagan yahay is xaqirid, dulmi , cadaalad darro iyo tirada ergo beeleedyada oo ay kala badsanayaan jufo hoosaadyada.

Xildhibaannada ka tirsan Golihii Baarlamaanka ee Sharciyaddiisu idlaatay ayaa hooy uga dhigay guryaha ay ka degan yihiin Muqdisho qaar ka mid ah odayaasha ku jira liiska (135) horjooge beeleed si ay ugu fududeeyaan helidda kursiga Xildhibaannimo markale, waxaanu Xildhibaankaasi  u meeriyaa oday dhaqameedka liis ergo oo aan sinnaan iyo cadaalad ka muuqan oo ah ergo (51) xubnood ka kooban oo xubin ka mid ah uu ku habsado horjoogaha si codka hal dheeriga ah ee guusha keenaya uu u hanto.

Xildhibaannada Sharciyaddooda dhammaatay ayaa balan-qaadyo hanti iyo fursado gaar ah  u sameeyay qaar ka mid ah horjooge beeleedyada , qaarkood liiska (135) oday waxaa lagu buuxiyay si degdeg ah markii ay geeriyoodeen qaar ka mid ah odayaashii diiwaan-geshanaa sanadkii 2012 , shakhsiyaadkaasi lagu buuxiyay liiska intooda badan weligooda ma qaban howl nabadeyn, iskaba daa in beeshu ama jufadu isla ogeyd arrinkaasi, waxaana liiska buuxiskiisa ku dhacay wadatashi qarsoon oo dhexmaray Xildhibaanka Beesha/Jufada iyo Wasiirka beeshaasi u matalayay Dowladda, taasi oo ka dhigtay inay gudbiyaan magac nabadoon, iyagoo ka tallaabay in la gudbiyo magaca nabaddoonkii guud ee beeshaasi/jufadaasi laheyd, taasi oo ka dhigtay in Madasha Wadatashiga Qaran ay soo saartay liiska (135) oday oo laga buuxiyay dad aan wakiil rasmi ah ka aheyn beelahooda.

Is qab qabsiga taagan ayaa waxaa ka mid ah Liis xubno ka tirsan Madaxtooyada gudbisteen oo ah ergooyin ay si qaar u qorteen, waxaana taas ay shaki gelineysaa in doorashada Aqalka hoose ay hab cadaalad u dhacdo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhammaan qabaa’ilka Soomaaliyeed sida Hawiye, Daarood, Digil iyo Mirifle, Dir iyo Isbaheysiga (.5) ee loogu yeero Beesha Shanaad waxa ay wajahayaan caqabado ku aadan qaab xulista ergada.

Xog la helay ayaa waxa ay sheegeysaa in Beesha Dirta Waqooyi ( Isaaq, Gadabursi iyo Ciise ) ay la’yihiin tiro ergo oo dhammeystiran oo Xildhibaan kasta oo beelahaasi ah cod siisa si loo mariyo nidaamka xulasho ee ay dejiyeen Madasha Wadatashiga Qaran.

Juffooyinka beellaha ayaa ku muransan qaab qeybsiga ergada (51) xubnood ee soo dooranaya Xildhibaan kasta oo ka mid noqonaya Golaha Shacabka (2016 – 2020) , Juffooyinka qaar ergadooda waxaa iska maamushay Xildhibaannada Sharciyadoodu dhammaatay, horjooge beeleedka ka tirsan (135) oday, Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeennada Maamul goboleedyada.

Beelaha qaar ayaa u gudbiyay Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) liis ergo oo dulmi ku dhisan oo lagu saleeyay qaabka jufadu u qeybsato Qaaraanka ama waxa ay dadka qaarkii u yaqaan gerger oo ka dhigan caawinaad jufadu gudaheeda ay sameyso oo lacago lagu diiwaan-geliyo jufo hoosaadyada, si loo bixiyo diyada qof dil geystay, qof dad dhaawacay, aaska meydadka jufada, taakuleyn qof dhiban , baahan , xanuunsan, dhaawacan oo ka tirsan Jufada.

Juffooyinka beelaha qaarkood ayaa ku dooday in la kala saaro wax ku qeybsiga Qaaraanka iyo Siyaasadda, waxa ayna soo jeedinayeen in ergada (51) xubnood ay u qeybsadaan jufa hoosaadyada si siman oo isla wada eg , waxaase juffo hoosaadyada qaar ay ku qeylo dhaaminayeen inay ka tira dad badan yihiin dhiggooda kale ee isla jufada, waxa ayna ku andacoonayeen in ergadu lagu wadaago hab ku qotanta qaab bixinta Qaaraanka .

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay rajeyneyso in November 30, 2016 ay yeelato Madaxweyne , waajibka ugu weyn ee uu gudanayo ay tahay in dalku gaarsiiyo doorasho dadweynuhu ka qeybgalaan, dhismaha ciidanka X.D.S, ammaan ku soo dabaalidda dalka, ka mira dhalinta wadahadalka lala leeyahay Maamulka Somaliland si ay uga qeyb noqdaan nidaamyada Federaal ee dalka ka jira kahor sanadka 2020 xilligaasi oo la qorsheynayo in guud ahaan dalka uu ka dhaco doorashooyin baarlamaani iyo mid madaxtinimo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)